Uncategorized

Dagaal Beeleed ka dhacay Hiiraan.

Beladweyne-KNN-Dagaal u dhaxeeya labo maleeahiyo Beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobalka Hiiraan waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Baanyaaley waxa uuna daba joogaa dagaalo mudo halkaas ka socday oo u dhaxeeya Beelo ka soo kala Jeeda degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka ayaa sheegay in aysan waxba ka qaban karin dagaalka socda loona baahan yahay in ay ka qayb qaataan Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegayaa ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka soo jeeda.