Somali News

Dagaal beeleed ka dhacay Sool

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Horufadhi ee Gobolka  Sool, iyadoona la soo werinayo inuu khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Inta la ogyahay ku dhawaad 4 qof ayaa ku dhaawacan tahay, halka tiro intaasi ka badana ku dhaawacmeen.

Jaamac saxardiid taliyaha qeybta Gobolka Sool ayaa ka warbixyey xaaladihii u danbeeyey ee degaanka sidoo kalena baaq u diray beelaha dagaalamay inay qaataan oo adkeeyaan nabada, islamarkaana laga shaqeeyo horumarka deegaankaasi.