Uncategorized

Dagaal Beeleed ka socda degmada Buuhoodle.

Buuhoodle-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelood ayaa ka socda qeyba ka mid ah degmada Buuhoodle ee gobalka Sool sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa Saakay Bilowday , waxaana la sheegaya Gudaha Magaalada uu ka socdo dagaal culus kaas oo saameeyay dadka deegaanka iyo goobaha ganacsiga.

Inta la xaqiijiyay 1 qof ayaa ku dhintay 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka ka socda Magaalada Buuhoodle.

ma jirto ilaa hada cid kala dhax gashay maleeshiyada dagaalameysa waxaana la sheegay in ay hada is abaabulayaan odayaasha deegaanka kuwaa soo doonaya in ay ku baxaan dagaalka.