Somali News

Dagaal beeleed khasaare badani ka dhashay oo ka socda waqooyiga gobolka Galgaduud

Cadaado-KNN-Inta la xaqiijiyey seddax ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaal saakay ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Xinjilab oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo u dhaxeeya labo maleeshiya beeleed ayaa waaberigii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Xinjilab oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalkaas ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq oo ay ka soo kala jeedaan labada maleeshiyo beeleed eek u dagaalamaya Xinjilab.

Weli waxaa halkaas ka socda dagaalka labadaas maleeshiyo beeleed mana jirto cid ku baxday oo isku howshay joojinta colaadaas, goobta uu dagaalku ka socdo ayaa laga maqalayaa weli daryanka hub culus oo ay isku adeegsanayaan dhinacyadu.