Somali News

Dagaal beeleed markale ka dhacay Sh.Dhexe.

Muqdisho-KNN-Inta hada la ogyahay ilaa sedax qof ayaa ku dhintay, dad intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal mar kale dhex maray laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda hiiraan iyo Sh/dhexe, kuwaasi oo mudooyinkanba ay colaadoodu ka taagneyd tuuloyin ku dhaw deegaanka ceel baraf oo hoos taga dagmada mahadaay ee gobolka sh dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay meelaha ay colaada ka taagan tahay ayaa sheegaya in wali labada dhinac ay wadaan is uruursi, iyadoo laga baqdin qabo dagaal kale uu dhaco.

Qof ka mid ah dad deegaanka Ceel dheere ayaa Idaacada kulmiye u sheegay iney jirto baqdin ay ka qabaan dagaal kale oo labada dhex mara isagoo intaa ku daray in dagaalada dhacaya ay kasii daran yihiin maleeshiyada labada dhinac oo dilaya dadka aan hubeysneyn balse ay u arkaan inuu kasoo jeedo qolada kale.

Xaalada adag ayaa ka jirta deegaamada ay colaad beeleedka ka taagan tahay waxaana ilaa iyo hada jirin cid u istaagtay daminta colaadaas marka laga soo tago baaq nabadeed oo mas uuliyiinta hirshabeele iyo odayaasha dhaqanba ay u dirayaan labada dhinac.