Somali News

Dagaal beeleed uu khasaare ka dhashay oo ka dhacay Shabeellda Hoose

Afgooye-KNN-Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saakay ka dhacay degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa Shan ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa la sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen halka dhaawacyaduna ay gaarayaan tiro intaasi ka badan, waxaana la sheegay in dagaalku uu bilaawday kadib markii mid ka mid ah beelaha dagaalamaya laga dilay labo Nin oo sida la sheegay dadka ku baara jiray inta u dhaxeysa Wanllaweyn iyo deegaan lagu magacaabo Ceelka Kaba hereg.

 Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Wanllaweyn waxa ay sheegayaan joojinta dagaalkaas ay ku baxeen Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Dagaalka labadaasi beelood ayaa kusoo laa laabtay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose waxaana kol hore ku guuleystay joojinta dagaalkaas Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.