Somali News

Dagaal beeleedyada ka dhaca dowlad deegaanka soomaalida oo kordhay

Saddexdii sannadood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in deegaanka Soomaalida ee waddanka Itooobiya ay ka dhaceen dagaallo beeleeydyadii ugu badnaa muddooyinkan dambe, kuwaas oo galaaftay dad badan, halka duunyo badanina ku waxyeellowday.

Dagaalladaasi ayaa sida la sheegay badanaa ay sababaan dhul beereedyada, daaqsinka iyo ceelashaba, kuwaas oo dadka xaalka deegaanka la socdaa sheegeen in aanay dhici jirin xilligii maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.

Hasayeeshee hoggaanka nabadgalyada ee deegaanka ayaa ku adkaysanaya in deegaanka uu haatan ugu ammaan badan yahay horumarna uu usii dheeryahay.

“Xaaldda amni ee gobolku si guud waa mid deggan aad u fiican dalka si guudna meesha ugu deggan ah, markaa inta la xasuusto taariikhiyan xaaladda deegaanka midda nabadgelyada waa markay ugu wanaagsanayd” ayuu yidhi kuxigeenka Hoggaanka Nabadgaluyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxa’ed Axmed Gureey

Hoggaanka nabadgelyada ayaa dhanka kalena in ay suuragal tahay mararka qaar in wax dhacaan, waxa dhacaana aanay sidaa u cuslayn weligeedna ay dhici jirtay.

Waxaana uu ku sababeeyey waxyaalaha isqabsiga keena baahida taalla miyiga

“biyaha oo yar oo lagu heshiin waayo, laba nin oo meel beeralay marka roobku da’ao isku qabsan oo aniga beeranaya iyo anigaa beeranaya yidhaahdaan ama daaqsinka kale oo ah waxyaalo la xidhiidha nolosha caadiga ah ee reer guuraaga ah. Waana mid dhici jirtey taarkhiyin, gobol walba iyo deegaan walba oo Soomaalidana way ka dhacaan” ayuu yidhi Maxamed Axmed Guray.

Tan iyo markii uu dhacay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar, waxaa kordhay furfurnaan iyo xorriyadda hadalka ee guud ahaanba deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Taas oo maamulku deegaanku ku tilmaameen in ay tahay waxa keenaya baahidda iyo maqlidda warkaas, maadaama oo haatan dadku ku dhiirradan in ay sheegaan waxa ay doonayaan, sida oo kalena ay farta ku fiiqin dhaliilaha ay is leeyihiin way jiraan, ha ahaadaan dhanka maamulka, amniga iyo guud ahaanba siyaasadda.