Uncategorized

Dagaal ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray deegaanka Af-Urur

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya dagaal saaka halkaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowlada Puntland iyo Kooxo ka tirsan Ururka Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay dagaalkan oo socday ku dhawaad saacad in ay uga adkaadeen xubnihii  weerarka kusoo qaaday,kuwaas oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Korneyl Maxamuud Maxamed (Aarsade) oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in labo askari ay  dhimatay saddex kalena, ay ka dhaawacmeen ciidamada Puntland.

Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa uu sheegay Korneylku in ay uga dhinteen ilaa 5 dagaalame..

Deegaanka Af-urur waxaa ku yaala mid ka mid ah saldhigyada ugu waawayn oo ciidanka Puntland ku leeyihiin buuraha silsilada Golis,mana ahan dagaalkii u horeeyay oo halkaas ku dhexmara Al-Shabaab iyo ciidamada Puntland.