Muqdisho-KNN-Dagaal socda muddo ku dhaw 40 daqiiqo ayaa galabta ilaa hadda ka socda degmada deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin milatariga Soomaaliya laakiin u abaabulan qaab beeleed waxaana la isku heestaa dhulka Xeradii hore ee saban saban kuna dhaw dhismaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ilaa hadda lama oga tirada dhismashada iyo dhaawaca balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in wali dagaalka socda waxaana ku sii fidayaa deegaano kale oo degmada ka tirsan.
Todobaadkaan gudahiisa ayey markii sidaan oo kale Ciidamadaan ugu dagaalamayn Xerada saban saban ee degmada deyniile waxaana ka sii horeeyay dagaalo kale oo soo jiray wax ku dhaw 5 bilood.
La soco wixii ku soo kordha.