Somali News

Dagaal culus oo AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka Baraawe

Baraawe-KNN-Dagaal u dhexeeya dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Kooxda Al-shabaab, ayaa duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ku weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolkaasi.

Ciidamada AMISOM, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo lagu tilmaamay mid gaadmo ahaa, isla markaana waxa la sheegay in ay dib u laabteen kooxdii weerarka soo qaadday.

Khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray ayaa ka dhashay dagaalkaas, balse si rasmi ah looma faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.