Uncategorized

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee G/Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN- wararka idaacadda kulmiye ay ka heleyso degaanka Laanta Buuro  ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin deegaanka Laanta Buuro.

Al-shabaab ayaa la tilmaamaya in  marka hore dagaal toos ah ay  la galeen  Ciidamada amisom ee saldhiga Laanta Buuro joogay  ka dibna waxaa bilowday hoobiyaal iyo hubka culus oo ay labada dhinac isweydaarsadeen sida dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.

inta uu socday dagaalka iyo sidoo kale madaafiicda ay isku tuureen labada dhinac ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka shacabka ah ee ka ag dhaw halka lagu dagaalamay ee deegaanka Laanta Buuro mase cadda inta uu la egyahay ilaa iyo hadda.

isku day aynu sameynay in aan kula xeriirno maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Sh/Hoose ayaa aaysan noo suurto gelin si aan wax uga weydiino xaalada iyo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.