Somali News

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee J/Hoose

Kismaayo-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen kolonyo isugu jiray ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo marayey duleedka Afmadow.

Khasaare culus ayaa la sheegay in  uu ka dhashay weerarkaas oo ku bilawday qaraxyo wadada la geliyey, waxaana guulo ka sheegtay Al-Shabaab, in kastoo aysan soo bandhigin khasaare rasmi ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka markii uu cuslaaday ay dib uga soo biireen diyaaradaha dagaalka Kenya, iyadoo dib loo riixay Shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.