Somali News

Dagaal culus oo ka socda Bay iyo Abaanduulihii militeriga qeybta 60-aad oo la dilay

Baydhaba-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ururka Al-Shabaab ayaa hadda ka socda deegaanka Deynuunaay ee gobolka Bay.

Abaanduulihii qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Maxamed Isxaaq ayaa lagu dilay dagaalkaas, sidoo kale dhaawacyo ayaa jira, welina dagaalkii waa socdaa.

Sida aan wararka ku helnay Abaanduulaha dhaawac daran ayaa looga soo qaaday halka uu dagaalku ka socdo ee Deynuunaay, waxuuna ku dhex geeriyooday diyaarad dhaawaciisa u siday Muqdisho.


Ciidamo badan oo ka tiran militeriga Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaalkaas kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada ka mid ah sarkaal lagu magacaabo Cabdicasiis Sheekh oo ah taliye urur ka tirsan qeybta 60-aad.

Dagaalka ayaa soo balaawday barqadii hore ee saakay, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Deynuunaay ee gobolka Bay.

Wixii ka soo kordha dagaalkaas kala soco KNN.