Somali News

Dagaal culus oo ka socda deegaanka Janaay-Cabdalla ee J/Hoose

Kismaayo-KNN-Deegaanka Janaay-Cabdalla ee gobolka Jubbada Hoose haatan waxaa ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Jubbaland maalin ka hor ka sameysteen deegaankaas.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen dagaalkaas oo weli socda deegaanka Janaay-Cabdalla ee Jubbada Hoose.

Dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa deegaankaas ayaa badankood shalay ka barakacay halkaas kadib markii ay lasoo deristay cabdi ay ka qabeen in lagu dul dagaalamo.

Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Kismaayo Cabdi-Majiid Cabaas Aadan ayaa warkan noo soo diray.