Uncategorized

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Balcad.

Balcad-KNN-Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliya iyo Dagaalmayaasha Al-Shabaab ayaa saakay ilaa hadda ka socda Duleedka degmada Balcad ee gobalak Shabeelaha dhexe kadib markii ay Milatariag Soomaaliya ay weerar ku qaadeyn Fariisan ay Al-Shabaab ay daganaayeen.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad.Rasaata la isu adeegsanayo dagaalkan ayaa laga maqlayaa magaalada Balcad iyo deegaanada u dhow dhow.

Wararka ayaa waxa ay sheegaya in dagaalka uu ka bilowday kadib markii ciidamo uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood ay weerareen fariisimaha ay ka sameysteen deegaana Daniga maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ayaa la soo sheegaya in uu dagaalkaasi ka dhashay waxaana hada la soo sheegaya in uu wali socdo dagaalka, Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa wali kala jooga goobihii ay ku dagaalameyn.

 

La soco wixii ku soo kordha.