Somali News

Dagaal culus oo mar kale ka qaraxay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Dowlad degaanka.

Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamadda Lio Police iyo Dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa goordhow waxaa uu markale dib u qarxay Gudaha Dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa la sheegay in Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo u Hubaysan watana gaadiid dagaal ay xalay iyo habiin hore gudaha ugaleen xadka uu Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Degaanka Soomaalidda gaar ahaan Degaanka Beer-Gadiid, taa oo soo dedejisay Dagaalka maanta mar kale qarxay.

Wariyaha KNN uga soo waramo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa is ka caabin xooggan kala kulmayeen  kooxda Al-Shabaab kadib markii halkaasi lasoo dhoobay Ciidamo ka tirsan Liyuu Booliiska Dowlad Degaanka.

Waxa uu intaa hadalkiisa Raaciyay in xadka Gobolka Hiiraan iyo Dowlad deegaanka kala qeeybiya ay Sok gaareen Ciidanka Liyuu Booliiska kuwaa oo ka hortagaya qulqulka Al-Shabaab.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in dagaalku uu haatan yahay bilaaw lana ogeeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo inta uu gaarsiisanyahay.

Waa markii 2-aad oo ay Al-shabaab galayaan dowlad degaanka lamana oga sababta rasmiga ah oo ay udoonayaan in ay galaan Dalka Itoobiya, hili Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah kooxda Al-shabaab.