Somali News

Dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo reer guuraaga koofurta Mudug oo hada socda

Gaalkacyo-KNN-Wararka aan ka heleyno tuulooyin ku dhaw deegaanka Baacadweyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas saakay uu ka bilowday dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday waaberigii hore ee saakay, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dadka deegaanadaas ku nool oo dhamaantood xoolo dhaqato ah.

Mudooyinkii dambe waxaa laga dareemayay tuulooyinka ka tirsan koofurta Mudug ee u dhaw deegaanka Bacaadweyn, xiisadda dagaalka saakay ka bilaawday halkaas, oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah.

Dagaalku waxa uu salka ku hayaa amarro ay Al-Shabaab dadkaas uga doonayaan caruur ay askareeyaan, lacag iyo xoolo nool, kuwaas oo ay ugu yeeraan zakawaat, balse dadka deegaanadaas ku nool ayaa marba marka ka dambeysa ka biya diidayey dalabyada uga imanayey Al-Shabaab, waxayna saakay ka gaartay gacan ka hadal.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee saakay weeraray dadkaas waxay ka soo ruuqaansadeen dhanka degmada Xarardheere ee koonfurta Mudug oo ay ku xooganyihiin, waxaana weli duleedka Bacaadweyn ka socda dagaal culus.

Isgaarsiinta deegaanadaas oo ay adagtahay in la helo darteed, waxaan weli la ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalka socda ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo reer guuraaga ku nool koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.