Somali News

Dagaal culus oo xalay ka dhacay Bariire

Afgooye-KNN-Dagaal u dhexeeya Ciidamada xooga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhaxcay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka oo Saacado socday ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan dadka ku nool deegaanka Bariire iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Shabellada Hoose ayaa KNN u sheegay in dagaal aad u culus uu deegaanka Bariire ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay weerar dhow jiho ah ay ku qaadeen deegaanka Bariire oo maalmihii danbe ay ku sugnaayeen Ciidamada Xooga dalka.

Dagaalka oo mudo socday ayaa dadka ku nool deegaanadaasi waxa ay noo sheegeen in Shabaabkii soo qaaday weerarka ay iska caabin kala kulmeen  Ciidamada dowladda, isla markaana ay dib ugu laabteen deegaanadii ay weerarka ka soo weerar tageen.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, wallow aanwali la ogaan khasaaraha rasmigaa ee ka dhashay dagaalkaasi.

1dii bishaan May ayaa Ciidamada xooga dalka waxa ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire oo bilihii la soo dhaafay ay maamulayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa dhowr jeer alshabaab kala wareegay gacan kuheynta deegaanka Bariire, wallow ay iskaga baxayeen islamarkaana ay dib ugu laabayeen alshabaab, degaanka Bariire ayaa dhow jeer sidaani oo kale waxa ku dagaalamay Alshabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.