Uncategorized

Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal muddo kooban socday oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelsha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay ciidamada dowlada, kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka nuucyadiisa kala duwan oo leysku adeegsanayay.

Al-shabaab ayaa weerar madaafiic ah kusoo qaaday fadhiisimo ciidamad dowlada iyo AMISOM ay ku leeyihiin xaafada Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, iyadoona AMISOM dhankeeda ay ku jawaabtay hub cusus.

Ilaa iyo hadda macado khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo dadka deegaanka ay tilmaameyn in khasaaro uu  ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaan weli ka hadlin dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.