Guriceel-KNN-Degaanka Dhagaxyaale oo 50 KM u jira Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa hada waxaa ka soconaya dagaal u dhexeeyaya Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay Saakay soo galeen degaankaasi, islamarkaana ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.
Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu hada socdo, islamarkaana hubka cul-culus la isku adeegsanayo.
Saraakiisha Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka ka socda Deegaan u dhow degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.
Cabsi badan ayaa ka jirta deeganka Dhagaxyaale ee Gobalka Galgaduud.


