Uncategorized

Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada ka tirsan AMISOM oo ka dhacay Duleedka mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe

Sida ay Sheegayaan Wararka dagaal u dhexeeya  Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab uu ka dhacay  qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha dhexe gaar ahaan duleedka  degmada Mahadaaay ee Gobolka

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab Wadada u galeen Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ka mid ah kuwa AMISOM,waxana goobjoogayaal  ku dsugan Duleedka Degmada Mahadaay ay sheegayaan  in mudo saacad ku dhow u halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidmada Burundi iyo Dagaalamyaasha Al-Shabaab.

Wararka Waxaa ay intaasi ku darayan in Cidamada Burundi ee ka ambabaxay dhanka degmada Mahadaay,islamarkaana ku sii jeeday degaanka Cali-fooldheere ay wadada u galeen Dagaalamaal ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaana la Sheegay in Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay Deegaanka Cali Fooldheere ee gobalka Shabeelaha Dhexe.