Somali News

Dagaal dib uga qarxay Garba-ciise

Dagaal culus ayaa markale dib uga qarxay agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaalka ayaa waxaa uu  u dhexeeyaa Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd.

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise.

Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan.