Somali News

Dagaal ka dhacay deegaan ku dhaw Balcad

Balcad-KNN-Ciidammada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ayaa xalay waxa ay ku dagaalameen deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Al-Shabaab ayaa caweysinkii xalay waxa ay weerar ku dhar-dhaareen deegaan lagu magacaabo Lambar Labaatan oo ku dhaw degmada Balcad, ugu yaraan labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay dagaalkan ku geeriyoodeen, lamasa oga khasaaraha Shabaab soo gaaray.

Ciidammada Milatariga Soomaaliya ayaa dhowrkii isbuuc ee ina dhaafay waxa ay wadeen howgallo ay ku baacsanayaan Shabaab, balse waxaa muuqata in Al-Shabaab aysan joojin weerraradooda gaadmada ah.