Somali News

Dagaal ka dhacay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay Dagaal degaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Macawiiskeyda deegaankaasi iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday halkaasi.

Deegaanka Abooreey ayaa 20 km dhinaca Bari ka xiga degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, wallow ilaa iyo hadda aan laga helin faah faahino dheeraad ah.