Kismaayo-KNN-dagaalamaaysha Al-Shabaab ayaa xalay weerar dhowr jihaa ku qaaday saldhig Ciidamo kala tirsan AMISOM iyo Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo bilaawday Fiidkii hore ee xalay ayaa la sheegay in uu socday mudo saacadaa, maamulka deegaanka Bilis Qooqaani oo ka hadlay arintaasi ayaa sheegay in weerar kaga yimid Al-shabaab ay iska caabiyeen, oo dib ay ugu celiyeen meelihii ay ka soo duulaan tageen.
Guddoomiyaha deegaankaas oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ay goor hore ka war heleen weerar kaga soo wajahan dagaalamaay ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana uu dagaalku dhacay iyagoo u diyaarsan.
Waxa uu sheegay guddomiyuhu in xiliga ay weerarka soo qaadeen Al-Shabaab uu xaalku adkaa oo ay eheed habeen, isla markaana uu da’ayay Roob xoog leh, taasi oo sahashay in ay iska difaacaan, isagoo sheegay in ay khasaare dagaalka ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Hal ruux oo meyd ah ayuu sheegay in ay kaga tageen goobta dagaalka dhinacoodana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray dagaalkaas.