Uncategorized

Dagaal ka dhacay deegaanka Ceel -Cadde ee gobalka Hiiraan.

Far-Libaax-KNN-Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ceel Cadde ee gobalka Hiiraan ayaa soo sheegayo in maanta halkaasi dagaal culus ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in dagaalkaan uu dhacay maanta Salaada Khudbada kadib waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 3 qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Shabaab ay weerar ki qaadeen Ciidan ku sugan deegaanka Ceel Cadde oo qiyaastii 70 KM u jira magaalada Beled-weyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan maamulka Hirshabeelle ee gobalka Hiiraan ayaa KNN u sheegay in ay jiraan Khasaaro dhimasho iyo dhaawac dagaalka ka dhashay balse aysan ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.

 

La soco wixii ku soo kordho.