Jowhar-KNN-Dagaal xoogan oo u dhaxeeyey kooxda Macawiisley iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Halgan oo katirsan Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogagga Macawiisleyda ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Dadka ku nool deegaanka Halgan ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu socday mudo saacado ah, iyadoo diryanka rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayey deegaano fogfog, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas.
Dadka Shacabka ah ee kunool deegaanka Halgan ayaa noo sheegay in aysan wax khasaare ah uusan kasoo gaarin dhankooda dagaalkaas.
Dhanka kale Sarkaal katirsan Macawiisley oo isna la hadlay Iadaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalkaas kaga dileen ilaa Shan dagaalame, isagoo dafiray in dhankooda uu wax khasaare ah kasoo gaaray dagaalkaas.