Somali News

Dagaal ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool

Waajid-KNN-Degmada Waajid ee gobolka Bakool waxaa xalay dagaal culus uu ku dhex maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saqdii dhexe ayaa Al-Shabaab waxey weerar dhow jiho ah ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaas,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo mudo saacado ah qaatay.

Inkastoo aan la xaqiiji karin khasaaraha rasmigaa ee ka dhashay dagaalkaas ayaa warar aan heleyno waxa ay sheegayaan in Sedax Askari oo ka tirsanaa Millateriga Soomaaliya ay dagaalka ku dhinteen, halka la sheegayo in ay jiraan dhaawacyo badan oo soogaaray Askar ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Saldhiga ay xalay weerareen Al-Shabaab oo lahaayeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa dhaca duleedka Koonfereed degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana ilaa hada la sheegin inuu jiro khasaare dagaalkaas ka soo gaaray Al-Shabaab.

Xaalada degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa saakay degan, waxaana gacanta ku haya Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxayna duleedka degmada Waajid ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.