Somali News

Dagaal ka dhacay Degmada Yaaqshiid.

Sida KNN ay u sheegeen dadka degaanka ciidamo Ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa saaka  dagaal ku qaaday xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan booliska soomaaliya ay gacansiinayey dad Sheegta milkiyadda dhulka xaafadda isku-raranta ah ee tawakal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in  Ciidanku ay isku deyeen in ay dumiyaan  guryaha islamarkaana  la barakiciyo dad shacab ah ee degan xaafadaasi, si loogu wareejiyo  dadka  iyagu sheeganaya in ay leeyihiin dhulkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka ay ku dhaawacmeen laba qof oo dumar ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo la hadlay KNN ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu baaritaano sameyn doono, islamarkaana arintaasi uu si faahfaahsan ugu hadli doono saacadaha soo aadan.