Uncategorized

Dagaal ka dhacay Dhoobley

Wararka ka imaanaya magaalada  Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya ee AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday sida la sheegay duleedka magaaladaasi gaar ahaan ciidamada is garabsanaya oo halkaasi ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.