Baydhabo-KNN-Wararka Ka imaanaya duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Xoogga Soomaaliya ku leeyihiin duleedka Magaaladaasi.
Degaanka la wareeray ayaa waxaa lagu magacaabaa Makuudha,waxaana Halkaasi Fariisin ku leh ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa koofur galbeed.
Inta la ogyahay 4 askari ayaa la dilay,halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen,iyadoona la sheegay in qoryihii ay wateen la qaatay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koofur galbeed.
Saraakiisha ciidamada Xoogga ayaa KNN u Sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen Al-Shababkii Weerarka soo qaaday,islamarkaana hada Degaanka ay baaritano ka wadaan.
Militariga Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer ku dagaalamay duleedka Magaalada Baydhabo ee gobalka bay.