Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Ciidamo ka wada ka tirsan maamul goboleedka Galmudug xalay ay ku dagaalameen duleedka Magaaladaasi.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay dib markii ciidamo ka tagay Galkacyo oo ku sii
jeeday Dhuusamreeb ay is-hortaag kala kulmeen ciidamo kale oo ku sugnaa
Duleedka Cadaado.
Inta la xaqiijiyay hal askari aya ku dhintay , halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.
Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ku hubaysan gadiidka dagaalka oo ka amba baxay Galkacyo laga diiday in ay galaan Magaalada Cadaado, sababo la xiriira Khiaafka siyaasadeed ee ka dhax aloosan madaxda Galmudug.
Ma jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay isku-dhicii ciidanka ku dhex maray duleedka magaalada Cadaado.