Muqdisho-KNN-Faaf-faahino dheraad ah ayaa kasoo baxayo dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Ciidamada maamulka Jubbaland iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo dhacay duleedka magaalada kismaayo.
Dagaalkaan oo ahaa mid socday sida ay goob-joogayaal u shegeen KNN in ku dhaw labo saac ayaa waxa uu dhaliyay khasaaro kala gedisan, waxaana sidoo kale dadku ay shegeen in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas xoogan oo ay is weeydaar sanayeen labadda dhinac.
Waxaana dagaalku uu yimid ka gadaal markii sida la shegay xubno ka tirsan Al-shabab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jubbaland ku Leeyihiin degaan lagu magacaabo Baarka kaa oo duleed ka ah magaalada Kismaayo.
Laamaha amaanka maamulka Jubbaland wali kama aysan hadlin dagaalka waxaase haatan degan sida la shegay xaaladda degaanka lagu dagaalamay kaa oo duleedka ka ah magaalada kismaayo.