Uncategorized

Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Kismaayo-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ay wehliyaan ciidan caalami ah kuwaas oo marayay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Al Shabaab ayaa la sheegay ciidamadan  ay weerar jidgal ah u dhigeen Xilli ay dhaq dhaqaaq ciidan ka wadayn duleedka degaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada hoose.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay la socdeen Saraakiil Cadaan  Mareykan ah, kuwaasi oo sahanka ciidanka ay ku guda jireen qayb ka ahaa, waxaana sahminta ciidan ay ka socotay duleedka Buulo Gaduud.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaasi balse Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ku dileen Ciidan badan oo isugu Jira Kenyan Maraykan iyo Soomaali.

Ma jirto cid ka madax banaan Al-Shabaab oo warkaas xaqiijin karta.