Somali News

Dagaal ka dhacay Gobalka Hiiraan

Beledweyne-KNN-Dagaal u dhexeeya xubno ka tirsan kooxda macawiisleyda iyo ciidamada Liyuu boolis ayaa maanta ka dhacay xadka u dhexeeya gobalka Hiiraan iyo Ismaamulka soomaalida itoobiya.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus ayaa lsgu soo waramayaa inuu khasaaro lixaad leh ka dhashay dagaalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu ku bilowday kadib markii ay maleeshiyada macawiisleyda oo howlgal ku jira ay arkeen ciidamada liyuu boolis oo ku sugan xadka u dhexeeya gobalka Hiiraan iyo ismaamulka soomaalida Itoobiya.

Inta la xaqiijiyay 3 ka mid ah ciidamada Liyuu boolis iyo hal qof oo ka tirsan maleeshiyda macawiisleyda ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Cali Istakiin oo ka mid ah saraakiisha Maleeshiyada macawiisleyda ee gobolka hiiran oo la hadlay KNN ayaa sheegaya in khasaaro lixaad uu ka dhashay dagaalka.

Halkan Hoose ka dhageyso.