Somali News

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo

Wararka aan ka helayno Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koofurta Somaliya, ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu dagaal muddo saacad ah socday uu ku dhexmaray ciidamo ka tirsan milatariga soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Al-Shabaab  ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa KNN u xaqiijiyay in hubka fudfudud iyo kan culus intaba ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Saraakiisha Ammaanka degmada Baardheere iyo maamulka degmadaas intaba wali kama aysan hadlin dagaalkii xalay degmada Baardheere ka dhacay iyo sidoo kale khasaaraha halkaasi ka dhashay.