Beledweyne-KNN-Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa saakay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Kooxda lagu magacaabo Macawiisley iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Dagaalka oo sida la sheegay ay qaadeen Kooxda Macawiisleyda oo iyadu dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadda gobolka Shabeellada Dhexe ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ay ku qaadeen Al-Shabaab.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray dhinacyadii dgaalamay, wallow ay Macawiisley guulo ka sheegatay dagaalkaas hadana ma jirto cidd ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah.
Dad ku sugan tuulooyin hoos taga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa KNN u sheegay in dagaalku uu joog saday hadda, balse ay wali ka cabsi qabaan in mar kale uu dagaal dhaco.