Somali News

Dagaal ka dhacay Hiiraan

Muqdisho-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada xoogga iyo kuwa  AMISOM ay ku leeyihiinn duleedka Degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaanka Qansaxle oo ka tirsan Buulo-burte oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkan la sheegay inuu socday muddo saacad ka badan.

Guddoomiyaha degmada degmada Buulo Burde oo la hadlay KNN  ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska difaaceen weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay saldhigyadooda.

Ma sheegin guddoomiyaha khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka Degmada Buula burde ee gobalka Hiiraan.