Somali News

Dagaal ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Dagaal u dhexeeya ciidamo ka militariga Soomaaliya iyo dagaalamayasha Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu mudo saacad ah uu ka socday deegaanka Xaaji Cali, islamarkaana hub noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Saraakiisha ciidanka xoogga ee ku sugan deegaanka Xaaji Cali ayaa sheegay in ay ka caabiyaan weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaadeen, islamarkaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.