Dhuusamareeb-KNN-magaalada dhuusamareeb deegaan dhaca duleedkeeda oo lagu magacaabo Qalaan-qalle ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa sida uu kusoo waramaya wariyaha idaacada kulmiye ee magaalada dhuusamareeb beelo kasoo kala jeeda dhuusamareeb iyo cadaado,waxaana laisku haystaa ceelbiyood iyo dhul daaqsimeed.
dagaalka ayaa la sheegay in ay kadhalatay khasaaro dhaawac ah balse lama soo warin dhimasho.
dagaalka ayaa hada joogsaday,waxaana la sheegay in joojintiisa ay qeyb ka qaateen odayaal dhaqameed,inkastoo xiisad iminka ay jirto.
Maamulka Galmudug wali jawaab kama bixin dagaalkan, oo waxaa muuqata in odayaasha dhaqanka ay iyagu ku dadaalaan sidii loo joojin lahaa dagaalka