Somali News

Dagaal ka socda Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Walamoogo oo hoos yimaada degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Askar taabacsan Sarkaal ka tirsan Ahlu-sunna.

Dagaalka oo soo gaaray ilaa caawa ayaa waxaa labada dhinac ay is weedaarsanayaan Hubka nuucyadiisa kale duwan, sida ay sheegeen Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, kaasi oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, balse ilaa hadda lama xaqiijin tirada rasmiga ah.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug weli kama aysan hadlin dagaalka ay la galeen Ciidamada uu hoggaaminayo Sarkaalka lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan ururka Ahlu-sunna waljamaaca.