Somali News

Dagaal ka soconaya Gobalka Hiiraan.

Beledweyne-KNN-  Dagaal u dhexeeya ciidamada xooga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka soconaya degaanka Beerxaano oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa Hubka Noocyadiisa kala duwan, iyadoona Dhawaqa rasaasta iyo Madaafiic laga maqlayo tuulooyin ka agdhow goobta uu dagaalka ka soconayo

Dadka Goobjoogayaal ayaa KNN u Sheegay in dagaal culus uu dhexeeyo ciidamada Xooga, kuwa AMISOM iyo Dagaalamayasha Al-Shabaab.

Xaalada degaanka ayaa waxaa ay tahay mid aad u kacsan, iyadoona Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan degaano hor leh oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Ilaa iyo hada lama oga khasaara rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.