Beladweyne-KNN-Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa dib uga qarxay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Deegaan lagu magacaabo Warar-dheere oo qiyaastii 60KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Matabaan ayaa galinkii dambe ee shalay dagaal ku dhexmaray labadaasi beelood waxaa ku dhintay Sagaal ruux oo hinacyadii dagaalamay ah.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka bilaawday kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay wadada u galeen gaari rakaab ah, waxaana la sheegay khasaaraha ugu badan uu ka dhashay gaarigaas la rasaaseeyey.
Saakay ayaa la sheegay in deegaanadii lagu dagaalamay ay gaareen ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo sida la sheegay ka baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.