Somali News

Dagaal Khasaaro gaystay oo gobolka Hiiraan ku dhex maray Kooxda Macawisleyda iyo Al- Shabaab

Muqdisho-KNN-ilaa saddex ka tirsan dagaalamayaasha Al- Shabaab ayaa ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay ,ka dib markii uu dagaal ku dhex maray duleedka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan xubno ka tirsan dagaalamaasha Al- Shabaab iyo Kooxda Macawisleyda, sida ay warbaahinta ay u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan.   

Dagaalka oo socday muddo saacado ah,  ayaa ka dhashay kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Waab-weyn, halkaasi oo meel u dhow ay ku sugan yihiin kooxda Macawiisley .

Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay  in ay ka gacan siin doonaan kooxda Macawiisleey dagaalka ay kula jiraan Al- Shabaab.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay, ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan tahay mid deggan,inkasta oo ay shacabka deegaankaasi ay qabaan cabsi ku aadan in uu dagaal kale ka dhaco deegaanka .

Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al- Shabaab oo ay kaga hadlayaan dagaalkaasi