Somali News

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Mooyaale

Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay degmada Mooyaale ee ku taalla xudduudda Kenya iyo Itoobiya.

Dadka Deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ugu yaraan 13 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhaxeeyo qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Tan iyo shalay ayuu dagaalku socday, waxaana la sheegayaa in ay jiraan guryo iyo xafiisyo weli gubanaya.

Ma jirto cid weli kala dhex gashay, wararkuna waxay sheegayaan inuu dagaalku weli socdo.