Uncategorized

Dagaal khasaaro geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq

Tuka-raq-KNN-Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaasi oo maanta ay ku dagaalameyn ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay isku hor fadhiyay deegaankaasi.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya dagaalkaasi waxay tilmaamayaan in khasaaro uu soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan si rasmi ah aan loo xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Deegaanka ayaa hadda waxaa ka jira dhaq dhaqaaq iyo abaabul ciidan oo ay sameynayaan dhinacyadii dagaalamay.