Somali News

Dagaal maanta ka qarxay Gobalka Sool.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobalka Sool ayaa sheegaya in saakay ciidamo Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Korneel magaciisa lagu soo koobay Faysal uu dagaal ku dhexmaray gobalkaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Millateriga Soomaaliland oo marayay deegaan lagu Magacaabo Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laasacaanood ay wadada u galeen Ciidamada la Magac baxay Jabhadda SSC ee uu hoggaamiyo Korneel Faysal.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayay deegaano badan oo hoostaga Magaalada Laasacaanood ee Gobalka Sool, iyadoona la sheegayo in khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo baxay Soomaaliland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaalka ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Sool.