Somali News

Dagaal mar kale ka bilawday xaduuda ay wadaagaan dalalka Asarbijan iyo Armenia

Muqdisho-KNN- Ciidamada dalalka Azerbijan iyo Armenia ayaa mar kale maanta ku dagaalamay gobolka ay ku dagaalamayaan ee Nagorno-Karabakh ayadoo labada dawladoodba ay midba mida kale ku eedaynayso inay iyadu dagaalka bilawday.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada labada ay madaafiic isku waydaarsadeen xaduuda waxaana madaafiicdu xoogoodu ku dhaceen magaalada Ganja oo xaduuda ku taala.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga Armenia ayaa ku eedeeyay ciidamada xukuumadda Asarbijan inay duqeeyeen xaafado dad shacab ah degenyihiin.

Dhanka dawlada Asarbijanna waxay sheegtay in ciidamadooda ay ka jawaabeen madaafiic dhanka ciidamada Armenia kaga soo dhacay.

Dadkii ugu badanaa ayaa ka qaxay magaalooyinka xaduuda labada dhinac uga yaala si ay uga badbaadaan dagaalka mudada labada todobaad ah socda.