Somali News

Dagaal saakay ka socda Gobalka Sh.Dhexe.

Cadale-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Maanta  uu dagaal culus ka socdo degmada Cadale ee Gobalkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed, waxaa uuna si gaar ah kaga socdaa deegaanka Bur-dheer oo u dhow degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labada dhinac.

Ma jiraan wali wax war ah oo ka soo  baxay Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa kadib markii dhawaan Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Gobolka Shabeellaha dhexe ay isku dayeen inay xaliyaan colaada u dhexeysa labada maleeshiyo beeleed,  balse ay u suura gali waysay.