Somali News

Dagaal sababay dhimashi iyo dhaawac oo ka dhacay Gedo

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal  u dhexeeya dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland uu ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan  Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Jubbaland  ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dagaalkaasi uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho.

Inta la xaqiijiyay 3 sedex ayaa ku geeriyootay, halka 5 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo degmada Ceel waaq ayaa waxaa ay ku waramayaan in ciidamada Jubbaland ay saakay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadaan duleedka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq-balse saacadaha soo socda ay ka warbixin doonaan dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.